Hoggaamiyihii siyaasada ee Xamaas Ismail Haniya oo lagu dilay Tehran

Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya.[Isha Sawirka: AP]

Tehran-(Puntland Mirror) Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa lagu dilay magaalada Tehraan ee caasimada Iran, sida kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ay ku sheegeen war-saxaafadeed.

Xamaas ayaa sheegtay in Haniya lagu dilay “weerar ay Sahyuuniyadda khiyaano ku qaadday gurigiisa oo ku yaalla Tehran”.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijiyay in Haniya lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Iran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*