
Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Hogaamiye sare oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe Sabtidii, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Duqeynta ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Mareykanka ayaa inta badan duqeymo ka dhan ah maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo Daacish ka fulinayay Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.
Nadiir oo madaxiisa uu Mareykanku dul dhigay lacag dhan $3 milyan, ayaa ahaa madaxa dacwada, iyo ninka noqonaya hogaamiyaha xiga ee Al-Shabaab.