
Muqdisho-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Ahmed Aw-Cali oo loo yaqaan Firdhiye ayaa u safray dalka Jabuuti kadib markii uu casumaad ka helay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geele, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa Sabtidii
Xafiiska hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa sheegay in ujeedka safarka uu yahay xaajinta xiriirka iyo amniga gobolka.
“Safarka Hoggaamiyaha ayay muhiimadiisu tahay xoojinta walaalnimada, nabadda, xasilloonida Gobolka iyo taageerada dhismaha Dowlad-dhiska Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Safarka ayaa imaanaya iyadoo uu aad u xumaaday xiriirka ka dhaxeeya dowladda Jabuuti iyo maamulka Somaliland oo dagaal uu kala dhaxeeyo SSC-Khaatumo, kuwaas oo ciidankeedu gobolka Sool Somaliland ka xoreeyay bishii Agoosto 2023 kadib dagaal dad badan ku dhinteen oo socday sideed bilood.