![Raysulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho. [Sawirka: Twitter]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/02/C5QWpR4WQAEMrJ0.jpg)
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Raysulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa goor dhoweyd tagay magaalada Muqdisho, sida ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Marti sharaf kale oo badan oo ka kala yimid caalamka ayaa ka qaybgalaya munaasabada caleemo-saarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhacaysa goobta la dhaho Afisyoone ee gudaha Muqdisho, halkaas oo baarlamaanka Soomaaliya ay Farmaajo ugu doorteen Madaxweynaha dalka labo asbuuc kahor.
