Haayada gurmadka caafimaadka oo marka magaceeda oo Faransiis ah lasoo gaabiyo la dhaho MSF ayaa sheegtay in ay ku noqon doonto dalka Geeska Afrika.
Haayada ayaa ka baxday Soomaaliya bishii Agoosto ee sanadkii 2013-kii kadib muddo 22-sanno ah oo ay halkaas howlgalo ka heysay, iyada oo ku andacootay dilal iyo afduub loo geystay shaqaalaha bini’aadanimada.
MSF ayaa sanadkii lasoo dhaafay bilowday sahan ku saabsan macquulnimada ku noqoshada, iyada oo wefdi u soo dirtay Soomaaliya bishii May ee 2016-kii si ay u la kulmaan masuuliyiinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.
Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa musiibooyin dabiici ah sida abaarta, taasoo lagu qiyaasay in ay saamaysay ku dhawaad 5 milyan oo qof.