
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta Puntland ayaa Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ku garaacday 1-0 ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya, taasoo Puntland u sahashay u gudbida ciyaarta kama dambaysta ah.
Gool kaliya oo uu dhaliyay Yacquub Cusmaan ayaa keentay in Puntland ay ku garaacdo Hiiraan & Shabeelaha Dhexe 1-0.
Puntland ayaa ciyaarta kama dambaysta ah ee ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya la ciyaari doonta Jubaland maalinta Isniinta oo ay bishu tahay 25-ka July.
Jubaland ayaa ciyaarta kama dambaysta ah soo gaartay kadib markii ay gool ku laad kusoo garaacday Banaadir.