Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda ayaa ansixiyay xeerka macdanta iyo shidaalka kadib kulankooda asbuuclaha oo maanta oo Khamiis ah ay ku yeesheen magaalada Garoowe, ee caasimada.
“Xeerka macdanta iyo shidaalka ayaa qeexaya iswaafajinta maalgashiga iyo shuruucda dalka, ilaalinta deegaanka iyo ka faa`ideysiga kheyraadka dihin.” Ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.