Shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiiradda ayaa ka dhacay Muqdisho waxaana shir guddoominayay Raysulwasaare Xasan Cali Khayre.
Dabayaaqadii bishii Agoosto ee sanadkan, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa u sheegay wakiilada haayadaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah (INGOs) in ay u soo guuraan gudaha dalka, haddii ay diidaana in ay fuliyaan ammarka in dowladdu ay ka saari doonto diiwaanga haayadaha ka shaqeeya Soomaaliya gudaheeda.
Dhammaan haayadaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa waxaa xarun u ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay fadhiyaan madaxdooda sare.