Wasiirka Maaliyadda Puntland, Cabdiqaadir Siciid Caarshe oo Sabtidii tagay wadada ayaa warbaahinta u sheegay in shaqadu ay si rasmi ah u socoto. Caarshe ayaa intaas ku darey in wadadu ay fududeyn doonto isku socodka shaqooyinka dowladda.
Wasiirka Maaliyadda ma uusan sheegin cida bixineysa dhaqaalaha ku baxaya dhismaha, balse ilo-wareedyo madaxbanaan ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Bangiga Adduunka uu bixinayo.
Xarumo dowladeed oo ay kamidyihiin wasaaraddo iyo warbaahinta dowladda ayaa kuyaala duleedka magaalada, halkaas oo ay liidatay wadada isku xirta magaalada iyo xarumahaas.