Baydhabo-(Puntland Mirror) Gabadha Soomaaliyeed ee dharka moodada ah samaysa ahna ganacsato, Muna Khaliif Shiikh oo loo yaqaan (Muna Kay) ayaa loo doortay xildhibaan aqalka hoose ee soo socda u matali doonta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.
Muna Kay, ayaa ku dhalatay Soomaaliya, waalidkeed ayaa ka cararay dalka Soomaaliya markii uu bilaabmay dagaalkii sokeeye iyaga oo aaday dalka Mareykanka. Muna ayaa dalka ay u qaxday ee Mareykanka ka samaysay shirkad dharka moodada ah samaysay, taasoo xarumo ka furatay Mareykanka, Imaaraatka Carabta iyo Bariga Afrika.