Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka tanaasulay tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, sida ay warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyeen ilo-wareedyo.
Ma uusan qeexin tanaasulkiisa, balse waxa uu carabka ku adkeeyay in dalku uu u baahanyahay isbadal. Tanaasulkiisa ayaa imaanaya maalin kahor doorshada madaxweynaha soomaaliya,taasoo ka dhacaysa magaalada Muqdisho.
Bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa madaxweynihii hore ee Puntland iclaamiyay in uu u tartamayo madaxtinimada Soomaaliya.
Be the first to comment