Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ergayga ku qaabilay aqalka madaxtooyada ee Garoowe, halkaas oo ay wadahadal ku yeesheen, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland.
Wadahadalka ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kamidyihiin amniga, siyaasada, horumarinta iyo gargaarka bani’aadanimo ee dalka Soomaaliya, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.
Dabayaaqadii bishii May 2019, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa James Swan oo ah diblomaasi Mareykan ah u magacaabay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.