Duqa magaalada Garoowe oo Imaaraatka u jooga raadinta gaariyaasha dab damiska

Duqa magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise oo Dubai kulamo kula qaatay masuuliyiin katirsan Imaaraatka carabta. [Sawirka: Waxaa la siiyay Puntland Mirror]
Dubai-(Puntland Mirror) Duqa magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise ayaa safar ku tagay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka todobaadkii tagay, isaga oo raadinaya gaariyaasha dab damiska, sida uu sheegay xoghayaha maanta oo Talaado ah.

Xoghayaha Duqa,Towfiiq Bashiir Nuur, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Duqa uu la kulmay jaaliyada Puntland iyo masuuliyiinta Imaaraatka, uuna ka codsaday in ay ka qeyb qaataan tabarucaadka gaariyaasha dab damiska ee Garoowe.

Towfiiq ayaa intaas ku daray in Duqa uu go’aan ku qaatay sidii uu u raadin lahaa gaariyaasha dab damiska kadib markii ay magaaladu la kulantay dab gubasho badan intii lagu guda jiray sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Dabayaaqadii bishii Janaayo, dab balaaran ayaa burburshay kaalimo shidaal oo kuyaala Garoowe, waxaana ku dhintay ugu yaraan todobo qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*