Masuuliyiinta maamulka dowladda hoose ayaa sheegay in mashruucaan layrar ku xirida waddooyinka uu qeyb weyn ka qaadan doono ammaanka iyo yaraynta isku dhaca baabuurta xilliyada habbeenkii.
Mashruuca oo xalay bilaabmay ayaa qorshuhu yahay in ku dhawaad 300 xabo oo layrar ah loogu xiro waddooyinka caasimada Puntland.
Waxaa mashruucaan hal-abuurkiisa iyo fulintiisa qeyb weyn ku leh guddiga horumarinta magaalada Garoowe, oo ah guddi ka kooban khuburo kala duwan kuwaasoo la shaqeeya dowladda hoose.