Balse duulimaadyada u socda iyo kuwa ka imaanaya Kismaayo ayaa looga baahanyahay in ay maraan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.
Todobaadkii lasoo dhaafay, haayada duulista hawada Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada Kismaayo laga bilaabo 23 September ilaa 26.
Mamnuucida ayaa keentay in ay dib u dhacdo munaasibada caleemosaarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo qorshuhu ahaa 26 September in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo,