Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir saxaafadeed ku qabtay Sabtidii Muqdisho ayaa soo badhigay tusaale kamid ah qaabka ay noqon doonto lacagta cusub oo ka kooban 5,000 (shan boqol oo Shillin) iyo 1,000 (kun Shillin).
Lacagta cusub ayaa bedeli doonta mida duugta ah taasoo la isticmaalayay 20-sanno ee u dambeysay.
Wasiirka Maaliyada ma uusan qeexin wakhtiga dhabta ah ee la daabacayo lacagta cusub.