![Xubin kamid ah xubnaha ergooyinka soo doortay xildhibanaada. [Sawirka: Sahan Online]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2016/11/5I2A9123-1024x682.jpg)
Doorashada maanta ayaa waxaa lagu dooran doonaa saddex xildhibaan, kuwaasoo kamid ah 37-da xildhibaan ee Puntland u matali doona dowladda federaalka Soomaaliya. 19 xildhibaan ayaa horey loo soo dortay.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya ee heer Puntland nabadoon Khaliif Aw-Cali oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Puntland shalay oo Talaado ahayd ayaa sheegay in caqabado dhanka dhaqalaaha ay haysato guddiga, taasoo uu sheegay in ay hakad gelisay hab u socodka doorashada aqalka hoose ee Garoowe ka socda.
