Ma jirto wax war ah oo ku saabsan cid ka badbaaday shilka diyaaradaas.
Diyaarada ayaa kusii jeeday saldhiga Ruushka uu ku leeyahay gudaha Suuriya ee Latakia, waxayna siday 81 qof oo rakaab ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Ruushka ee Interfax.
Diyaarada ayaa nooceedu ahaa Tu-154, oo ahayd saddex matooray ay sameeyeen Midowgii Soofiidka.
Kooxaha badbaadada ayaa Badda Madow ka wada baaritaan ay ku baadi goobayaan burburka diyaaradda.