Ayaanle Xuseen Cali, oo kamid ah dadka deegaanka degmada Caluula kaasoo goobjoog ka ahaa duqaynta ayaa idaacada Radio Daljir u sheegay in diyaarad aan la garanayn cida leh ay duqaysay deegaanka Afkala-haye halkaas oo ay xoolo daaqayeen.
Ma ay jiraan dad ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka, sida uu sheegay qofka dadka deegaanka ah.
Deegaanka la weeraray, Afkala-haye oo kuyaala Gardafuu, waxa uu qyaastii 30 km u jiraa Caluula oo ah xarun goboleedka Gaardafuu.
Ma ay jiraan kooxo maleeshiyaad ah gudaha gobolka Gaardafuu sidaa darteed lama yaqaan waxa bartilmaameedku ahaa.
Ma cadda cida qaaday weerarkaas. Dowladda Puntland weli kama aysan hadlin duqaynta.