Dhismaha shan waddo oo laami ah oo ka bilaabmatay Garoowe

Madaxweyne Deni oo dhagax-dhigaya waddooyinka laga dhisayo Garoowe, June 7, 2021. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda hoose ee Garoowe ayaa maanta oo Isniin ah bilowday dhismaha shan waddo oo laami ah oo uu dhagax dhigay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Waddooyinka oo dhammaantood kuyaala gudaha magaalada ayaa kala; wadada Necsom, Towfiiq, Injida , Jidka 30-ka iyo Wadajir, sida ay sheegeen maamulka dowladda hoose.

Dhismaha waddooyinkan ayaa qeyb ka ah mashruuca Horumarinta Magaalooyinka Soomaaliya oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*