Dablayda weerarka geysatay ayaa bartilmaameedsatay saddex saldhig oo kuyaala magaalada.
Ma jirto warar deg deg ah oo ku saabsan xaddiga khasaaraha ka dhashay weerarka.
Ma cadda cida ka dambeysa weerarka, kaasoo soconayay ilaa aroornimadii, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, dad badan ayaa ku banaanbaxayay waddooyinka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyaga oo ka soo horjeeda joogitaanka Somliland ee Sool.