Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa ka qeybgalay munaasibada xiritaanka tababarka ciidanka oo loogu magacdaray Galayr.
Puntland ayaa tababaro u sameysay ciidamo boqolaal ah tan iyo markii xafiiska uu yimid Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni bishii Janaayo 2019.
Dowladda ayaa sheegtay in tababarada ujeedkoodu yahay sidii kor u qaadis iyo dib u habayn loogu sameyn lahaa ciidanka difaaca Puntland.