Colaad ka soo cusboonaatay magaalada Ceerigaabo

Magaalada Ceerigaabo. [Sawir Hore]

Boosaaso-(Puntland Mirror) Xiisad ayaa ka soo cusboonaatay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaad kadib markii qof shacab ah oo ka soo jeeda SSC-Khaatumo ay ciidanka Somaliland ku dileen halkaas asbuucaan.

Aargoosi ka dhashay dilkaas ayaa keenay in ilaa dhowr qof oo kale loogu dilo deegaano hoostaga Ceerigaabo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dadka deegaanka ah.

Warar ayaa sheegaya in SSC-Khaatumo ciidamo ka socda ay gaareen deegaano ku dhow Ceerigaabo, taasoo muujinaysa in ay dhici karaan isku dhacyo SSC-Khaatumo iyo maamulka Somaliland oo Ceerigaabo maamulaysay ku dhawaad 30-sanno.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labada dhinac u jeedisay in ay joojiyaan colaada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*