Ciidamada Jubbaland oo 60 Al-Shabaab ah ku dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Puntland Mirror
0 Min Read
Qaraxyada Al-Shabaab ee lagu qabtay howlgalka. [Isha Sawirka: Facebook]

Kismaayo-(Puntand Mirror) Howlgal gaar ah oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland, Maxamed Axmed Sabriye (Basaam), ayaa ka dhacay howdka Fog ee Badda Madow, deegaanka Lagta Hola-Wajeer ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu jabiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Dowladda Jubbaland (JISA) ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo socday muddo afar maalmood ah, kaas oo si weyn loogu naafeeyay kooxda Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa la sheegay in ay hawada ka taageerayeen saaxiibada caalamiga ah ee taageera la dagaalanka argagixisada.

Wararka laga helayo howlgalka ayaa sheegaya in lagu burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab u adeegsan jireen qaraxyada, xarumo saadka, goobaha isgaarsiinta, iyo keydad hub oo muhiim u ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, saldhigyadan ayaa la sheegay in Al-Shabaab uga duuli jireen weerarro ay ka fuliyaan deegaanada Jubbaland iyo gudaha dalka Kenya.

Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa lagu dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jireen horjoogayaal. Ciidamada JISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay meydadka 60-ka xubnood ee la dilay, iyadoo la sheegay in la qabtay qalab fara badan oo ay ka mid yihiin miinooyin noocyo kala duwan leh, maaddooyinka laga sameeyo qaraxyada, qalabka isgaarsiinta, hub, saanad ciidan iyo agab kale oo muhiim u ahaa howlgallada kooxda.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay xeryo saadka, xarumo isgaarsiin iyo keydyo qaraxyo, iyadoo ciidamada ay gacanta ku dhigeen in ka badan boqol miino oo noocyo kala duwan ah. Xeryahan la burburiyay ayaa la sheegay in Al-Shabaab ka soo abaabuleen weerarkii ay dhawaan ku qaadeen deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe, kaas oo lagu jabiyay.

Dowladda Jubbaland ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah ee ka taageeraya la dagaalanka Al-Shabaab, iyadoo ballanqaadday in ay sii wadi doonto howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida deegaanada Jubbaland.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *