
Kismaayo-(Puntand Mirror) Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ay taageerayaan ciidamada AMISOM ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Cabdalla Biroole oo 50km dhanka koonfu galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Xoogaga is-garabsanaya ayaa shalay oo Arbaco ahayd weeraro ku qaaday deegaanada u dhow magaalada Kismaayo oo ay joogaan maleeshiyada Al-Shabaab.
Si cad looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalada halkaas ku dhexmaray ciidamada is-garabsanaya iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa haysata inta badan gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybo kamid ah Jubbada Hoose, ciidamada is-garabsanaya ayaa doonaya in ay goboladaas ka saaraan maleeshiyada.
Ciidamada Kenya ayaa Al-Shabaab ka saaray magaalada Kismaayo 2012-kii, balse maleeshiyada ayaa wali ku sugan deegaanada u dhow Kismaayo.