Ciidamada PMPF ayaa qabtay doonyaha iyo dadkii sarnaa kadib howlgal ka dhan ah kalluumaysiga sharci darada ah oo ay ciidamadu ka sameeyeen xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu, labo kamid ah nimanka doonyaha saarnaa ayaa dhaawac soo gaaray kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen ciidamada PMPF.