Maxamed Ciise warsame oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug ayaa saxaafada maxaliga ah u sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen howlgalo ay ku sugayaan ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo.
Warsame ayaa uga digay gaadiidlayda in ay gawaaridooda ku xirtaan bacaha-madow ee lagu qariyo muraayadaha baabuurta.
Labo maalin kahor, taliyaha ciidamada booliiska dowladda Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax ayaa u doortay Cusmaan Xasan Cuuke sidoo kale loo yaqaan (Af-dalow) in uu nqodo taliyaha cusub ee booliiska gobolka Mudug.