Boosaaso-(Puntland Mirror) Maalintii labaad ayaa waxaa xiran suuqa ganacsiga ugu weyn Puntland ee magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga gobolka.
Ganacsatada ayaa go’aankan qaatay kadib markii dowladdu ku soo rogtay canshuuro dheeri ah alaabta ka soo degta dekeda Boosaaso, sida ay sheegeen ganacsatada.
Dekeda Boosaaso oo ah tan ugu weyn oo wax lagala soo dego ayaan shaqayn in ka badan todobaad, taasoo ay sababtay canshuuraha dheeriga ah, oo ay ganacsatadu ka cowdeen.
Ganacsatada ayaa sheegay in canshuurta dheeriga ah la bilaabay Bishan Luulyo 2026. Waxay intaas ku dareen in canshuurtaas ay keeni karto qiimo koror ku yimaada maciishada nolosha.
Dhanka kale, caasimada Garoowe ayaa iyana maanta oo Axad ah waxaa xiran xarumaha ganacsiga qaarkood, sababo la xiriira cabashada ganacsatada ee canshuuraha dheeriga ah.
Maamulka kama uusan hadlin cabashada ganacsatada iyo xirnaanshaha suuqa, kaasoo keeni kara qiimo koror gaar ahaan cunada.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Puntland ay wajahayso hoos u dhac dhaqaale oo ay keeneen duruufo kala duwan oo ay kamidyihiin gargaarkii caalamiga ahaa oo yaraaday, musuqmaasuq iyo maamul xumo haraysay hay’adaha dowladda, khilaafaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, abaaro iyo dagaalka Daacish ee Caal-miskaat.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku jira kala bar muddo xileedkiisii labaad, ayaa lagu eedeeyay maamul xumo, waxqabad xumo, dayacaad, musuqmaasuq iyo eex, tayo xumo hay’adaha dowladda, shaqo abuur la’aan, fashil bixintii mushahaarka shaqaalaha rayidka ah, iyo miisaankii Puntland ay ku lahayd Soomaaliya oo hoos u dhacay.
