Hargeysa-(Puntland Mirror) Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee la qabtay 13-kii Nofeembar 2024, taasoo u xaqiijinaysa hoggaaminta maamulka waqooyiga Soomaaliya afarta sano ee soo socota.
Cirro ayaa ka guuleystay Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa jabhad hore kaasoo hayay xilka madaxweynaha Somaliland tan iyo 2017. Sida ay guddigu sheegeen, Cirro wuxuu helay 63.92% codadka, halka Muuse uu helay 34.81%.