Muqdisho-(Puntland Mirror) Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta oo Talaado ah markale dib loogu doortay guddoomiyaha aqalka sare Soomaaliya oo uu hoggaaminayay afartii sanno ee la soo dhaafay.
Xaashi ayaa helay 28 cod halka la tartamihii u dhawaa Saalax Jaamac uu helay 24 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha kumeelgaarka ah Maxamed Cali Yuusf Gaagaab.