Ciidamada Puntland oo gulufkii Caal-Miskaat ee ka dhanka ah Daacish guulo ka gaaray

Puntland Mirror
0 Min Read
Ciidamada Puntland oo maraya buuralayda Caal-miskaat. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa si wada gulufkooda ka dhanka ah kooxda argagixisada Daacish ee ku sugan deegaanada buuralayda ah ee Caal-Miskaat ee gobolka Bari.

Howlgalka oo bilaabmay dhawaan ayaa ciidamada waxay gacanta ku dhigeen deegaano badan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyadaas. Deegaanka Tuurmasaale, oo kamid ah meelaha istiraatiijiga u ahaa Daacish ayaa ciidanku la wareegeen shalay oo Jimce ahayd.

Ku dhawaad 40 saldhig oo Daacish ku lahayd halkaas ayaa ciidamada la wareegeen tan iyo markii uu bilaabmay gulufka maleeshiyada looga xoraynayo buuralayda Caal-miskaat oo ay ku sugnaayeen ku dhawaad 10-sanno.

Howlgalka ayaa muuqda mid ay si dhakhso ah ay ciidamada guulo uga gaarayaan iyadoo miinooyin badan ay maleeshiyada ku aastay waddooyinka. Ku dhawaad 40 miino ah ayaa ciidanku ku guulaysteen in ay saaraan, si ay noo sheegeen ilo-wareedyo ciidamada katirsan. Miinada dhulka lagu aaso ayaa khasaare ka soo gaaray ciidamada intii howlgalku socday.

Hal sargaal oo katirsan ciidamada ayaa ku dhintay miino haleeshay xilli ay lugaynayeen shalay oo Jimce ahayd, halka sargaal kale oo lagu magacaabo Fu’aad Xanaano uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaas.

Ma jirto taageero ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mid caalami ah oo ay Puntland heshay tan iyo markii uu bilaabmay howlgalkan ujeedkiisu yahay sidii Puntland looga ciribtiri lahaa argagixisada Daacish, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *