Biyo la’aanta jirta ayaa dadka deegaanku sheegayaan in ay keeni karto in ay dad ku dhintaan haddii aan la helin taageero biyo dhaamis deg-deg ah oo la gaarsiiyo dadka ku sugan meelaha ay abaartu ku dhufatay.
Labadii xilli roobaad ee dambeeyay oo baaqday gudaha Puntland ayaa keenay abaar daran taasoo aad u saamaysay dadka xoolo dhaqatada ah oo lumiyay xoolahoodii oo ahaa isha dhaqaale ay ku tiirsanyihiin.
Xukuumadda Puntland ee hadda joogta ayaa lagu dhaliilay in ay waxba ka qaban ka jawaabista abaarta jirta.