Badhan-(Puntland Mirror) Beesha Warsangeli oo ah beesha ugu weyn ee degta gobolka Sanaag ayaa sheegtay in heshiiskii Ceerigaabo ee 1993 uu buray ayna jabiyeen beesha Isaaq iyo maamulka Somaliland, sida lagu sheegay bayaan soo baxay maanta oo Khamiis ah.
Waxay sheegeen in ay si buuxda u difaaci doonaan dadka, deegaanada iyo beelwaynta Warsangeli gaar ahaan Ceerigaabo.
Bayaanka ayaa yimid kadib dhowr maalmood oo beesha qeybaheeda kala duwan shir uga socday magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag.
Waxay ugu baaqeen ha’yaddaha gargaarka bixiya in ay gurmad deg-deg ah ay la gaaraan dadkii laga soo barakiciyay deegaanadoodii.
Dagaal ayaa ka dhacay bishii la soo dhaafay December, 2024 magaalada Ceerigaabo iyo deegaanada ku dhow kaasoo u dhaxeeyay ciidamada SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyo beeloodyo ka soo jeeda beesha Isaaq. Muuqaalo baraha bulshada la dhigay ayaa muujinayay askarta iyo maleeshiyada oo beegsanaya guryaha dadka shacabka iyaga oo bililiqaysanaya.