15 xubnood oo baarlamaanka katirsan ayaa loo doortay guddiga qabanqaabada guddoomiyaha baarlamaanka oo la filayo maalmaha soo socda in ay Muqdisho ka dhacdo.
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Cumaan Jawaari iyo wasiir dowlaha arrimaha gudaha dowladda federaalka Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa u sharaxan booska guddoomiyaha baarlamaanka ilaa iyo hadda.