Markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya oo wada maamulaysay dalka, waxa la waayey nabad waarta idil ahaan ba dalka oo dhan, taasina waxay ka mid tahay sababihii loo asaasay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Puntland waxay ka mid tahay goobaha nabaddu ka jirto ee Soomaaliya lehna maamul jira, waxaa ku yaalla Puntland dugsiyo badan oo isugu jira kuwo dowli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, marka waxa is weydiin mudan iskuuladas ma qaataan manhaj isku mid ah? Jawaabtu waxay tahay dugsiyada dowliga ah waxay qaataan manhaj isku mid ah balse kuwa gaarka loo leeyahay la mid maaha, tanina waxay dhalisay kala duwanaansho xaga asaaska aqoonta carruurta. Qeybtood waxay qaataan manhaj dowladaha dariska laga leeyahay ama wadamada carabta, taasoo meesha ka saareysa in dhallaanka Soomaaliyeed aysan wax badan ka ogaan dalkeena iyo isir ahaan Soomaaliya meesha ay ka soo jeeddo, ku darso qofka haduusan dalkiisa wax ka ogayn kana baran lagama yaabo inuu wax ku soo kordhiyo waxa xun na ka dhowro.
iskuuladu waa meesha ubaxa soo koraya laga soo kabo iyagoo la barayo caalamka iyo dalkeena, ogowna carruurta waxa yaraanta laga dhaadhiciyo bay ku weynaadaan. Marka haddii la helo manhaj Soomaaliyeed oo mideysan kuna qoran afkeena Soomaaliga gaar ahaan dugsiyada hoose/dhexe waxay kordhinaysaa qanacsanaanta ay ubadku u qabaan dalka, iyo in waxbarsho loo dhan yahay horumar lagu gaarayo. Manhaj mideysan oo Soomaali ah waxay baraysaa dhallaanka inaan leenahay wax inaga gooni noo ah aanna awoodno inaan yeelano wado mideysan horumrna noo horseedi karto.
Faa’iidooyinka manhaj soomaali ah oo mideysan:
- Waxbarashada dugsiyada oo midowda taas oo ka hortagaysa kala saarida iyo kala sareyn siinta dugsiyada.
- Qiimaha waxbarashada dalka oo mid noqota; tusaalle ahaan haduu arday rabo inuu badal qaato aysan dhib ku noqon kala doorashada dugsiyada.
- Aqoonta qofka uu u leeyahay dalka oo siyaadda taas oo kor u qaadaysa wadani nimada bulshada.
- Ardayga oo ogaanaya qiimaha afka hooyo.
Dhibaatooyinka lagala kulmo manhaj shisheeye:
- In xoogga la saaro luuqad shisheye oo booska ka saaraysa luuqadeena afka soomaaliga.
- Ardayga Soomaliyeed oon aan war bixin fiican ka haysan dalkiisa, door bidayana inuu dal shisheeye ku qanacsanaado, oo wanageeda sheeg sheego.
- Ardayga oo u haysta dalkiisa inuu yahay dal aan kheyraad fiican lahayn, maadaama uusan baran kheyraadka dabiicaga ee dalkeena hooyo.
- In ardayga lagu barbaarujiyo jaceylka dalalka shisheeye, taas oo fogeynaysa kalsoonida uu dalka ku qabo, lagana yaabo inuu ka haajiro dalka.
- Inay meesha ka baxdo hammiga fog ee uu qof wadani ah ka leeyahay mustaqbalkiisa iyo dalkiisa.
Talo soo jeedin:
Hellida manhaj mideysan waxay qaadanaysaa muddo dheer, marka waxaan soo jeedin lahaa in manhajka dugsiyada lagu soo daro;
- Taariikhda dalka Soomaaliya oo dhamaystiran.
- in la baro ardayda haldoorada Soomaaliyeed si ay dhiiri gelin ugu noqoto uguna daydaan.
- Juquraafiyada dalka iyo kheyraadkiisa in la baro, xooggana la saaro si ay u siyaado aqoonta dalka iyo xuduudihiisa.
- Waxan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ka codsanayaa inay fiiro gaar ah siiso qiimaha iyo macnaha uu xambaarsan yahay qoraalkan, helidda manhaj ka hadlaya dhulkeenana ay horseedi karto wadaniyad nimo iyo Soomaali jaceyl.
- Tan labaadna waxaan oran lahaa waalidiinta, carruurtiina mas’uuliyadda idinka saaran ku dara Inaad dareen siisaan inuu dalka isagu leeyahay, berri ka maalin na uu badali doono booska ay baneeyaan dadka ka horeeya
Qoraaga waa Caasho Jaamac Xasan Yare.
Caasho waxay heerkeeda kowaad ee jaamacada ku diyaarisay kulliyada Applied Medical Science ee waaxda Nurse ee Jaamacada Gazera University oo ku taala dalka Sudan.
Heerkeeda labaad ee Master-kana waxay ku diyaarisay Public Health oo ay ka dhigatay jaamacada Neelain University ee dalka Sudan.
Waxaad kala xiriiri kartaa Email: kjxasan@gmail.com
_____________________________________________________________________________________
Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.
Be the first to comment