Toogashada ayaa ka dhacday goob fagaare ah oo kutaala degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose gelinkii dambe ee Axada, sida ay sheegeen warbaahinta Al-Shabaab.
Kooxda ayaa sheegtay in labo kamid ah afarta nin ay basaas u ahaayeen sirdoonka dowladda Soomaaliya, halka labo kale ay ahaayeen askar katirsan ciidamada xooga dalka.
Dowladda Federaalka kama aysan hadlin toogashada ay geysatay maleeshiyada Al-Shabaab oo dagaal kula jirta.
Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa marar badan oo kala duwan toogasho ku fulisay dad ay sheegtay in ay la shaqeeyaan haayadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakaalado sirdoon oo ajnabi ah.