Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen ugu yaraan 40 askari oo Itoobiyaan ah kadib markii ay maleeshiyada weerar saakay oo Khamiis ah ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Dadka deegaanka Halgan oo ku taala gobolada dhexe ayaa sheegay in ay saldhiga ka maqleen qarax aad u weyn iyo rasaas la is-dhaafsanayay wakhtigu markuu ahaa subaxnimadii hore ee saakay.
Howlgalka Midowga Afrika oo ay qayb ka tahay Itoobiya shanta wadan oo ku deeqay ciidamada ayaa xaqiijiyay weerarka balse waxay ka gaabsadeen in ay bixiyaan faahfaahin dheeri ah.