
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab ayaa kusoo bandhigtay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud niman ay ku sheegtay ciidamo dowlada federaalka Soomaaliya katirsan oo isku-soo dhiibay kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal Al-Shabaab ah.
Guddoomiyaha ururka Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Galgaduud, Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in ciidamo katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ay isku-soo dhiibeen kooxda.
Xasan Yaxquub Cali ayaa xusay in ciidamada ay tiradoodu tahay 60 askari.
Wali saraakiisha dowlada federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa u dagaalamysa sidii ay awooda uga tuuri lahayd dowlada federaalka Soomaaliya, ayna dalka Soomaaliya uga samayn lahayd dowlad Islaami ah oo iyadu maamusho.