Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa ka qeybgalay munaasibad garoonka diyaaradaha Garoowe loogu qabtay diyaarada.
Diyaaradan, oo sidoo kale loo yaqaan Red Sea Airlines ayaa labo duulimaad oo asbuucle ah sameyn doonta oo u dhaxeeya Garoowe iyo Jabuuti, sida ay sheegeen maamulka diyaarada.
Waxay ku biiri doontaa diyaaradaha wadamada deriska laga leeyahay sida Ethiopian Airlines oo horey duulimaadyo uga bilowday Garoowe.