Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid garaadka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda.
Garaad Cabdullaahi Ciid ayaa lagu yaqiin hadaladiisa cad-cad ee ku aadan siyaasadda Puntland iyo tan Soomaaliya.
Waxa uu kamid ahaan jiray ciidamadii Dowladdii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare. Bilihii u dambeeyay ayuu xanuunsanayay, isagoo da’diisa lagu qiyaasay ilaa sideetan sanno.