Gaari qarax laga soo buuxshay ayaa la dhigay meel u dhow makhaayad ka ag dhoweyd barkantarool aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada, sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP, oo soo xiganaysa saraakiil booliiska Soomaaliya katirsan.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas, sida ay ku warantay warbaahinta afka maleeshiyada ku hadasha ee Al Andalus.