Afar dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gobolka Jubbada Hoose

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Afar dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku geystay.

Bayaan maanta oo Axad ah soo baxay, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyntu ay ka dhacday deegaanka Araare ee gobolka Juubada Hoose Sabtidii.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa intaas ku daray in aysan jirin wax shacab ah oo ku dhaawacmay ama ku dhimatay duqeynta.

“Duqeynta ayaa la qaaday kadib markii maleeshiyo hubeysan ay damceen in ay weeraraan ciidamo saaxiibada nala ah oo ku jiray ilaalo. Ma jirin askar Mareykan ah oo ku sugnaa dhulka inta uu socday howlgalka oo ay hoggaaminayeen ciidamada Soomaalida ah.” Ayay ku dhaheen bayaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*