Duqeynta ayaa Isniintii ka dhacday deegaanka Awdhiigle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay bayaan ku sheegeen maanta oo Talaado ah.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in AFRICOM ay ogsoonyihiin eedaymo sheegaya in uu khasaare dad shacab ah kasoo gaaray duqeynta, balse ay baari doonaan.