Ma cadda sababta keentay in ciidamadu ay qabsadaan xarunta, balse wararka ayaa sheegaya in ay ka xanaaqsanyihiin kadib markii ay dowladdu siin weyday mushahaarkoodii.
Ciidamada ayaa ilaa iyo 15 xubnood oo baarlamaanka katirsan ku haysta gudaha xarunta baarlamaanka, sida ilo-wareedyo ku dhow baarlamaanka ay u sheegeen Puntland Mirror.
Ciidamada gadoodsan ayaa ka yimid magaalada Gaalkacyo, mana aysan helin mushahaar in ka badan muddo sanad ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.