Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada Sirdoonka iyo Ammaanka dowladda Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in maanta oo Axad ah ay ku fashiliyeen qarax mooto gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha NISA ayaa sidoo kale sheegay in ay xireen saddex nin kuwaasoo rabay in ay weerarka qaadaan.
Ma cadda cida leh qaraxa mootada, balse shakiga ayaa ku dhacaya kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, kuwaasoo geysta weeraro kuwaan oo kale ah.