[Sawirka: Getty Images]
Mr Trump ayaa Hillary kaga adkaaday doorashadii madaxweynaha ee bishii November ee sanadkii tagay dhacday.
Xoghayihii hore ee arrimaha dibada Mareykanka Hillary ayaan lagu arag fagaarayaasha tan iyo markii uu ka guulaystay Donald Trump.
George W Bush oo ahaa madaxweynihii Obama ka horeeyay iyo marwadiisa Laura ayaa iyana iclaamiyay in ay ka geybgali doonaan munaasabada xil-wareejinta Trump iyo Obama.