Garoowe-(Puntland Mirror) Qaliin keli gelin ah oo lagu sameeyay wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa lagu guuleystay, sida xubno kamid ah qoyskiisa ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Xaalada caafimaad ee wasiirka ayaa hadda ah mid aad u wanaagsan, iyadoo kelida cusubna ay shaqaysay, waxaana uu ku suganyahay isbitaalkii lagu qalay oo kuyaala dalka Hindiya, sida ay sheegeen qoyskiisa.
Be the first to comment