Garoowe-(Puntland Mirror) Dadka deegaanka ayaa qiyaastii mudoo 24 saac ah la tacaalayay sidii ay u damin lahaayeen dab ka kacay deegaano kuyaala Buurta Daalo ee gobolka Sanaag bilowgii dabayaaqadii June 2025-ka.
Dabka ayaa burburiyay beero badan oo kuyaala deegaankaas, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee maaamulka Somaliland Cabdullaaji Jaamac Cusmaan.
Deegaanka uu dabku sida gaarka ah u saameeyay ayaa ah Haleera oo ah dhul beeralay ah oo kuyaala xagga hoose ee Buurta. Deegaanka uu dabka ka dhacay ayaa ah meelaha ugu keymaha badan ee Soomaaliya.
Ma ahan markii kowaad uu dab uu ka qarxo deegaankaas. Sanadkii 2022-kii ayaa sidaan oo kale xilli xagaagii bishii July uu dab naafeeyay.
Awood la’aanta Dabdaminta
Dadka deegaanka ayaa la tacaalayay dabka muddo ka badan labo maalmood iyaga oo aan haysan agabyada lagu damiyo dabka noocaas oo kale ah sida diyaaradaha dab damiska iyo shaqaale leh xirfada dab damiska keymaha.

Maamulka Somaliland ayaa baabuurta dab damiska ee la tacaala dababka magaalooyinka u diray deegaankaas, taasoo keentay in dadaal badan oo naf hur ah oo ay sameeyeen ay ku guulaysteen in dabka la bakhtiiyo.
Dabka ka kaca keymaha ayaa ah mid aan horey looga aqoon geyiga Soomaaliya oo dhan, taasoo keentay in aysan jirin u diyaarsanaan haddii dab uu ka kaco dhulka keymaha ah.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cmilada ee maaamulka Somaliland dhulka dabku ka kacay ayaa lagu qiyaasay sideed ilaa sagaal KM, halkaas oo ay adagtahay in la galo gaar ahaana baabuurta dab damiska, maadaama aysan lahayn waddooyin, taasoo adkaysay dadaalada gurmadka.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cmilada ee maaamulka Somaliland waxa uu sheegay in la tacaalida dabka noocaas oo kale ah uu yahay mid ka baxsan awoodooda.
Khasaaraha dabka ka dhashay
Dhowr iyo toban qof oo isugu jira dadkii ka qeybgalayay gurmadka ayaa dhaawacyo fudud ay soo gaareen, sida ay sheegeen masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cmilada ee maaamulka Somaliland. Dadka dhaawacmay ayaa lagula tacaalayaa isbitaal kuyaala magaalada Ceerigaabo oo qiyaastii 15-KM u jirta deegaanka uu dabku ku dhuftay.

Sidoo kale, maadaama dhulka uu dabku saameeyay ay kamid ahaayeen dhul beero ah, ma jirto ilaa iyo hadda inta ay la egtahay khasaaraha uu dabku u geystay beerahaas.
Dhanka kale, maadaama ay halkaas kunoolaayeen qeybo kamid ah xayawaanka duurjoogto ah sida shimbiraha iyo xayawaabka tartiibta u socda sida masaska, ma jirto inta ay la egtahay khasaaraha soo gaaray, inkastoo gudaha Soomaaliya aan aad loo tixgelin xayawaanaadkaas, oo qeybtood ay kamidyihiin kuwa dabar go’aya.
Maxaa sababay dabka?
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cmilada ee maaamulka Somaliland ayaa sheegtay in aysan weli hayn sababta rasmiga ah ee ka dambaysa dabka, ayna socoto baaris, balse ay aaminsanyihiin in ay qeyb ka tahay isbedelka cimilada ee adduunka.
Sidoo kale khuburada cimilada ayaa sheegaya in heer kulka xilliga xagaaga ah oo ay keentay heerkulka dunida ee sii siyaadaysa ay sababto in dhirto ay qalalaan kadibna ay isxoqaan, markaas oo uu dabku ka dhasho.
Guddiga Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada (Intergovernmental Panel on Climate Change – IPCC) wuxuu sheegay in gubashada keymaha ay si toos ah ugu xirantahay isbeddelka cimilada. Heerkulka sare, abaaraha kordhaya, iyo dabaylaha xooggan ayaa kor u qaadaya halista dabka keymaha. Dabkaasi wuxuu sii daayaa qiiq badan oo kaarboon laba ogsaydh (CO₂) ah, taasoo sii xumeysa isbeddelka cimilada una keenta fal-celin waarta. IPCC waxay saadaalisay in gubashada keymaha ay sii kordhi doonto haddii kuleylka caalamiga ah gaaro ama dhaafo 1.5°C.