Laascaanood-(Puntland Mirror) Raysul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo Sabtidii booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Laascaanood ee maamulka SSC-Khaatumo, ayaa maanta halkaas ka dhagax-dhigay mashaariic horumarineed.
Mashaariicdan oo ay maalgelinayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu jira dhismaha dugsiga farsamada gacanta, xarumo dowladeed oo loogu talagalay adeegyada bulshada, iyo waddo isku xirta magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu daabacay bogga Facebook-ka ee xafiiska Raysulwasaaraha.
Raysul Wasaaraha ayaa sheegay in mashaariicdan ay qayb ka yihiin dadaallada xukuumaddiisu ugu jirto kobcinta adeegyada bulshada, kor u qaadista xirfadaha dhalinyarada, iyo isku xirka gobollada dalka si loo dhiirrigeliyo midnimada iyo horumarka guud ee Soomaaliya.
Booqashada Raysul Wasaaraha oo ahayd mid taariikhi ah, isagoo noqday masuulkii ugu sareeyay ee Soomaaliyeed oo muddo 40-sanno ah taga Laascaanood. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare ayaa ahaa masuulkii ugu dambeeyay oo magaalada Laascaano ee gobolka Sool booqda sanadkii 1986-dii.