Muqdisho-(Puntland Mirror) Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay qorshihiisa ku aaddan booqasho uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee SSC-Khaatumo.
Isagoo maanta oo Axad ah ka hadlayay magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in booqashadani ay tahay mid lagu doonayo in lagu mideeyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in xafiiskiisa iyo maamulka SSC-Khaatumo ay wadaan diyaar garowga ku aaddan booqashadan muhiimka ah.